C/raxmaan C/shakuur “Sidii Axmed Godane wiil isku qarinaya ayaa saxaafadda looga mamnuucay baarlamanka”

14 April 2019 (Puntlandes) Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo inta badan fagaarayaasha iyo saxaafadda ka dhuunta ayaa  maanta soo xaadiray xarunta Baarlamaanka, isagoo ka mid ahaa Taliyeyaasha su’aalaha la weydiinayey, inkastoo Warbaahinta ay dibad joog ka ahayd.

Fahad ayaa su’aalihii la waydiiyey oo ahaa dhawr uga jawaabayey si kooban, isagoo su’aalaha intooda badan uga jawaabayey “Shaqo kuma lihi”.

Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi wax badan ka yaqaan Siyaasadda isla markaasna si weyn u u dhaliila Siyaasadda ay dowladda Farmaajo ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay sababata Baarlamaanka looga mamnuucay Saxaafadda iyo sababta XIldhibanada loogu amray inay taleefoonada damiyaan sidoo kalana aysan badin Su’aalaha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka sidaas loo yeelay wiil sida Godane oo kale isku qarinayo oo uu ula jeedo Fahad Yaasiin, ogowse Godane waa Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee la dilay kaasoo inta badan Fagaarayaasha aan lagu arki jirin.

” Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idilna waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo Qoraalkaan kusoo qoray Bartiisa Facebook ayaa kusoo aadiyey Xilli uu Fahad Maanta wajahayo Su’aalihii ugu adkaa oo kaga imaanayo Xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author