Fahad Yasin oo su’aalo adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka & jawaabo uu ka bixiyay

14 April 2019 (Puntlandes) Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa su’aalooyin adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood jawaabo layaab leh ka bixin.

Fahad Yaasiin oo ka soo muuqday kulan looga hadlayay Arrimaha Ammaanka oo maanta u socoda Baarlamaanka ayaa wax laga weydiiyay arrinta xirnaanshaha waddooyinka, isagoo sheegay inuu yahay go’aan ka soo baxay Hey’addaha Amniga oo aan aheyn mid si gaar u quseeya Hey’adda NISA.

Sidoo kale Kusimaha Taliyaha ayaa la weydiiyay su’aalo kale, oo ka mid aheyd xariggii Mukhtaar Roobow, isagoo xusay in xarigaas aanan shaqo ku laheyn, waxaana mar la weydiiyay in sababta Maxkamad loo soo taagi waayay waxaa uu ku gaabsaday inay u taalo Hey’addaha Garsoorka.

Waxaa kaloo la weydiiyay arrimaha is bedelka Hey’adda NISA, kala diridii Ciidamadii hubeysnaa, kuwaasoo uga jawaabayay inay aheyd howlo dib u habeyn ah oo Hey’adda ku saabsaneyd.

Kusimaha Taliyaha NISA ayaa wax laga weydiiyay arrimaha mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada, isagoo ku gaabsaday in arrimahan laga weydiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka, waxaase uu caddeeyay in dhammaan saraakiisha mushaar la siiyay oo aanay jirin cid xuquuqdooda ka maqan tahay.

Mr Fahad Yaasiin ayaa aad uga carooday su’aal shaqsi aheyd oo uu weydiiyay Xildhibaan lagu magacaabo Zakariye Gaashaan, waxaana uu ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu Xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, maadaama su’aal gef ku ah isaga iyo Hey’adda uu weydiiyay.

“Shaqo Hey’adda dhexdeeda ah in Xildhibaan aniga i weydiiyo runtii wax aan fiicneyn waaye, sidaas darteed aniga waxaa ii muuqata Hey’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal nuucaan la isku dhex weydiiyay, in Hey’adda iyo aniga shaqsiyan aan u qalmin, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hey’adda Nabadsugida shaqsiyan aniga, markii la codsanayay in aan warbaahinta la keenin Baarlamaanka su’aalo ceynkan oo kale oo aan fiicneyn ayaa ka dhalan lahaa, Mudane Guddoomiye waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudur daar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Kulanka Baarlamaanka ayaa weli socda, waxaana Xildhibaanada weydiinayaan su’aalaha Taliyeyaasha Ciidamada, kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu waqtiga dheeraa ee looga hadlayo arrimaha amniga dalka.

Puntlandes.com

About The Author