XOG HOOSE: Xuseen Cabdi Xalane oo Villa Soomaaliya ka alaab urursaday

Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa dhex maray Kulan mudo kooban qatay subaxnimadii hore ee saaka,kulankan oo Madaxwaynaha iyo Xuseen Cabdi Xalane ay ku weheliyeen Xubno ku jira Baarlamaanka Soomaaliya,ayuu Madaxwaynuhu niyad Xumo u muujiyey Xuseen Cabdi Xalane maadaam ay adagtahay in Liiska danbe ee Golaha Wasiirada Soomaaliya lagu soo daro.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa iskudaygii ugu horeeyey diidamadii Xukuumada Ra’iisulwasaare CCC Sharmake,in uu qanciyo xubno kamid ah xulufadiisa dhaw ee ku jira Liiska Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Ra’iisulwasaare CCC Sharmake kaladiray kadib markii ay halis u noqodeen in Baarlamaanku diido maalintii Shlay.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa kulanka kadib wuxuu shir la qaaday Ugaas Xeen Ugaas Qorane iyo qaar kale oo kamid ah Ugaasyada Beesha Absame kuwaas oo maalmhan ku sugnaa Magaalada Muqdisho,oo Xuseen Cabdi Xalane uu uga yeedhay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland si ay makhraati uga noqodaan goobta Wasiirka Maaliyada loogu xalaalaynayo Xuseen Cabdi Xalane balse Nasiib daro ay dhici wayday taasi.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa gabi ahaaba ay dhamaatay rajadii uu ka halaa in uu Wasiirka Maaliyada Soomaaliya siihayo wuxuuna Xuseen Kamid yahay Kooxda 4ta Xubnood ah ee dawlada Soomaaliya ka dhaqaaqi ladahay

Xigasho:http: jubbalandnews.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author