Dawladii Puntland oo noqotay Diyaaradii Malaysiya ee luntay

Maalin sabti oo ay taariikhdu ahayd 8 maarso 2014 ayey ahyd markii la waayey Diyaarad ay lahayd shirkada  Malaysia Airlines Flight 370 (MH370/MAS370) wadayna rakaab dhan 239 kana duushay  Kuala Lumpur International Airport ee magaalada Kuala Lumpur kuna socotay  Beijing Capital International Airport ee magaalada  Beijing. Diyaaradaas ilaa hada lama yaqaan wax ku dhacay iyo meel ay martayba

Dawlada Puntland

Dawlada Puntland ayaa waxay ahayd dawlad soo jirtay 16 sano lahaydna haykal dawladnimo oo adag oo hana qaaday. Waxay sumcad aan lagu cabiri karin ku lahayd Soomaali oo idil dhexdeeda iyo Beesha caalamka. Waxayna kala shaqayn jirtay Beesha Caalamka sidii ay Soomaaliya guud ahaan ay dib ula soo noqon lahayd dawladnimadeedii, dawladaas oo ah mid Federaal ah.

Isbedelkii ka dhacay Puntland 8 jan 2014

Iyadoo sidaas ah ayaa waxaa la wareegay hogaanka Puntland madaxweynena ka noqday Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hogaaminayey Koox isku magacawday ”Isbedeldoon”. 8 jan 2014 ayaa waxaa ka dhacay Puntland doorasho Baarlamaani ah oo uu hal cod ku guulaystay madaxii Kooxda Isbedeldoonka Dr Gaas. Hadaba muxuu keenay ”Isbedelkii” ka dhacay Puntland:

  1. Ciidamadii dawlada iyo shaqaalihii dawlada oo noqday Mushahaar la’aan
  2. Adeegyadii ay dawladu u qaban jirtay shacabka oo istaagay badidood
  3. Somaliland oo dhul cusub ku darsatay kii ay haysatay
  4. Prof Galyr oo qayb ka mid ah Puntland ka samaystay ”maamul”
  5. Gobolka Mudug oo Cabdiqaybdiid sheegay in uu ka jaranayo Puntland isagoo taageero ka helaya DFS uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh
  6. Puntland oo noqotay xaafad ka mid ah Xamar oo ay madaxweyne xasan iyo Kooxdiisa Dam Jadiid xukumaan
  7. Sumcad ahaan iyo miisaan ahaan oo ay ka hormareen Jubbaland iyo Koonfurgalbeed oo ka taliya laba magaalo oo ciidamo Ajnabi ah ku waardiyeeyaan.
  8. Amni xummo baahsan iyo khal-khal soo wajahay magaaalooyinka Puntland
  9. Isqabsi maamul oo soo shaacbaxay uusana jirin madaxweyne kala dhexgeli karaa
  10. Jaantaa rogan ka jirta Puntland iyadoo uu gebi ahaanba lumay Haykalkii dawladnimada.

1462

Waa Diyaaradii Malaysiya ee la waayey oo kale

Intaas aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan markii ay u muuqatay shacabweynaha Puntland ayey waxay u baxsheen dawladii dhamayd ee Puntland magac. Magacu wuxuu ka tarjumayaa meeshii iyo maqaamkii ay joogtay dawlada Puntland 8 jan 2014 ka hor iyo sida loo waayey magacaas , maqaamkaas iyo haykalkii dawladnimo.

Marka  la isku soo qaado dawladii Puntland ayey waxay yiraahdaan ”Dawladee ma tii Diyaaradii Malaysiya ee la waayey oo kale noqotay baa” Waqtigan xaadirka ah way isla fahmeen oo uma baahna inay sharaxaad dheer in ay ka bixiyaan ”Dawlada Puntland waa Diyaaradii Malaysiya” ayey ku soo koobaan shacabku. Magacaasi wuxuu ka tarjumayaa in gebi ahaanba ay luntay dawladii Puntland.

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah bilo ayaa magacan loogu bixiyey marka ma 4 sano ayaa la sugayaa? Haddii la sugana maxaa loogu imaanayaa?

Puntlandes.com

About The Author