Xog: Beelaha ay ka soo jeedaan iyo Muxuu ka qabtay madaxweyne Gaas ”Xukunkii” Been abuurka ahaa?

Gaalkacyo (Pes) Waxay ahayd 13 kii jan 2015 markii ay Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ay xabsi daa’in iyo xukuno dhaadheer ku riday 14 qof oo Muwaadiniin reer Puntland ah oo lagu eedeeyay inay Qaran Dumis yihiin.

Waxaa isla maalinkii ku xigay soo baxay in ”Xukunkii” 11 ka mid ahaa 14 kaas qof ay ahayd mid aan sal iyo raad toona lahayn ahaana Been abuur. Hadaba Warbaahinta Madaxabanaan ee Puntlandes.com ayaa idiin soo gudbinaysa sida wax u dhaceen ilaa iyo iminka iyo waliba waxa uu ka qabtay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

14 kaas qof oo 3 ka mid ah, Xabsi Daa’inlagu xukumay, ay Degmada Cadaado tageen halka 11 ka mid ah oo 10 sano oo xarig ahlagu ”Xukumay” aysan wax raad ah ku lahayn arintan ayna Guryahooda iska joogeen nina uuba Isbitaal Garowe kaga jiray. Muwaadiniintan reer Puntland ah ayaa ka kooban Waxgad, Ganacsato iyo qaar magac ku bulshada dhexdeeda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa madaxweyne Gaas u yimid sida ay xogta ku heshay Puntlandes niman wata liis ay ku qoran yihiin 14  kaas xubnood waxayna ka codsadeen madaxweyne Gaas in uu saxiixo si ay u Xukumaan ragan ”Qaran Dumiska” ku eedaysan, dabadeedna wuxuu madaxweyne Gaas waydiiyey in ay hayaan Cadayn oo eedayntu ay tahay mid jirta waxayna nimankii watay liiska ku jawaabeen haa waan haynaa oo waxaan haynaa Video aan ka duubnay markhaatiyaashii. Intaas dabadeed waa uu saxiixay madaxweyne Gaas markuu ku qancay waxay u shegeen nimankaas liiska watay.

Markii ay ku dhawaaqeen ”Xukunkii” oo idaacadaha iyo Telefishinada ku faafiyeen ayaa isla markii waxaa soo baxday in uu been abuur iyo Sharaf ka qaad ahaa ”Xukunkaas”. Muwaadiniintii ”Xukunka beenta lagu riday waa hadleen intaas dabadeed madaxweyne Gaas si saxa uma sixin qaladkii dhacay ee wuxuu telefoon kula hadlay dadkii laga been sheegay isagoo raali gelin siiyey. Laakiin Muwaadiniintaas laga been sheegay waxay ka dalbadeen madaxweyne Gaas laba qodob oo kaliya:

  1. In sidii Idaacadaha iyo Telefishinada looga faafiyey in looga faafiyo in aysan waxba ka jirin eedayntaas, raaligelina laga bixiyo
  2. In dadkii ka dambeeyey been abuurkan Sharciga la horkeeno

Daawo Video

Qof walba wuu ka balan qaaday in uu samaynayo madaxweyne Gaas sidaas laakiin ilaa iyo hada midna ma samayn. Lamana garanayo waxa u diiday in uu talaabo ka qaado dadkii ka dambeeyey Been abuurkan oo ay ugu horeeyaan nimankii liiska u keenay oo ka saxiixay. Lama garanayo Muwaadinintii sharaftooda meel looga dhacay sabab uu raaligelin Saxaafada uga siin waayey!!!

Beelaha ay ka soo jeedaan Muwaadiniintan ayey qaar ka mid ah Puntlandes ogaatay:

2 nin waa Cabdi Ciise/Cumar Maxamuud

2 nin waa Reer Mahad/Cumar Maxamuud

1 nin waa Reer Khalaf/Cumar Maxamuud

1 nin waa Maxamed Cumar/Cumar Maxamuud

1 nin waa Leelkase

Isugayn waa 7 halka aysan noo suurto gelin 4 nin ee hartay 11 ka lagu been abuurtay gadaal baanidiinka soo sheegaynaa.

Xasan Yusuf Dhuux” Nidaam Dowliya maheyn midka leygu xukumay” (Sawiro)

Dhagayso: XASAN YUUSUF DHUUX” Waxaa Khiyaano Qaran Sameeyay Dadka Maxkamada Jooga oo Dambiga Nasaaray”

War deg deg: Xasan Yusuf Dhuux oo noloshiisa ka shaqaynayey Horumarka, difaaca iyo isku xirka reer Puntland ayey 10 sano oo xariga ku xukuntay Maxkamada Dr Gaas

Dhagayso-Sawiro: Maamulka gobolka Mudug iyo odayaasha deegaanka oo ka horyimid go’aan ka soo baxay maxkamadda Nugaal CAJIIB

Dhagayso: Fadeexad aad u xun oo ka tarjumaysa Hogaanka Dr Gaas oo ka dhalatay xukunkii ay shalay riday Puntland

 

Xafiiska wararka ee Gaalkacyo

Puntlandes.com

 

About The Author