Sawirro: Qaar kamid ah Saraakiisha Hay’adda Socdaalka JFS oo loo furay Tababar ku saabsan sida loo baaro dukumentiyada

16 April 2019 (Puntlandes) Tababar ku saabsan sida loo baaro, isla markaana loo xaqiijiyo dukumentiyada ayaa maanta u furmay Qaar kamid ah Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha ilaalinta xuduudaha Badda,  Canshuuraha iyo Dambi baarista.

Tababarkaan oo kor loogu qaadayo Xirfadda Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Boliiska qeybihiisa kala duwan oo socon doono muddo Laba Todobaad ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Ugu dambeyn Tababarkaan ayaa waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha HSJ iyo Qunsulka Safaaradda Turkiga Col. Ahmed Alta.


Puntlandes.com

About The Author