Daawo Video: Wasiir Goodax Barre oo u hanjabay Puntland

17 April 2019 (Puntlandes) Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Puntland ay ka baaqsatay inay ka qaybgasho Imtixaanka shahaadiga ee wasaaraddiisu wado.

Wuxuu uga diga waalidiinta iyo ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland cawaaqib xumo uu sheegay inay ka dhalan karto diidmada ay Puntland diiday anaysan ka qaybgalin imtixaanaadka ay wado dowladda Federaalku.

Goodax ayaa yiri “Sida ay noo sheegeen Puntland uma diyaarsana inay ka qaybgalaan, runtii waa nasiib darro, Puntland iyo wasaaradda dood dheer ayaa u dhaxeysay, waxaan moodayay in sanadkii hore xal lag gaaray, haddana meeshii ay Puntland taagan tahay oo ah inaysan imtixaanka guud ka qaybgalin”

Goodax  ayaa kusii daray ”Shakhsiyan waxaan doonaya inaan uga digo walidiinta iyo ardayda Puntland khatarta ay leedahay arrintaasi. Xaq ma aha in arday imtixaankii galay iyo mid aana war u hayn in shahaado la wada siiyo”

Waa markii horaysay oo Wasiirka waxbarashadu dawladda Federaalku uu u hanjabo dawladda,Waalidiinta & Ardayda Puntland, iyadoo ay Puntland leedahay manhaj waxbarasho oo tayo leh aanna ka jirin dalka intiisa kale.


Puntlandes.com

About The Author