Madaxweynaha Somaliland Oo Safar deg deg ah ugu kicitimay Dalka Imaaraadka Carabta (Muuqaal)

 

18 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar deg deg ah ugu kicitimay dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Biixi ayaa salka ku haya marti-qaad deg deg ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday garoonka Cigaal International Airport, ee magaalada Hargaysa.

Wasiirka Faratoon oo ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, ayaa waxa uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo oo ku yimid si deg deg ah. Wasiirku ma xusi ujeedka rasmiga ah ee safarka.

Dhanka kale waxaa isna dalka Imaaraadka ku sugan muddo ku dhow labo todobaad madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, lama yaqaan inay ku kulmi doonaan halkaas.

 

Puntlandes.com

About The Author