Daawo Video: Puntland oo ka jawaabtay hanjabaadii wasiirka waxbarashada dawladda Federaalka Soomaaliya Goodax bare

18 April 2019 (Puntlandes) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa galabta ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in Puntland aysan ka qeyb-geli Karin imtixaanka  ay qaaddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya maadaama sida ay sheegtay aysan Puntland iyo Federaalku isku manhaj ahayn islamarkaana aan sideedaba loogu kalsoonaan Karin imtixaanka ay qaaddo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo marwaba ardadu sii helaan.


Puntlandes.com

About The Author