Abshir Bukhaari “dastuurka ayuu khilaafsan yahay hadalkii Wasiir Goodax ee waxbarahada Puntland”

19 April 2019 (Puntlandes) Guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Abshir Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa sheegay inay dastuurka Federaalka uu kasoo horjeedo hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ee uu ugu janjabay dawladda, waalidiinta iyo ardayda Puntland.

Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa qodobo ka tirsan Dastuurka KMG u cuskaday hadalka Wasiir Goodax, isagoo ku tilmaamay warka ka soo baxay Goodax inuu ka hor imaanayo qodobka 54aad ee dastuurka.

Senator Abshir Bukhaari ayaa yiri “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka”

Waxaa uu ugu baaqay Wasiirka Waxbarashada inuu abbaaro arrinta Tacliinta, sida uu u furayo Dastuurka dalka, isla markaana aanay sax aheyn in Wasiirka u goodiyo wasaaradda waxbarashada ee heer Federaal inay halis u noqon karto mustaqbalka Ardayda

Bukhaari  ayaa yiri “Sidaa awgeed, waxaan ku boorinayaa wasiirka in uu u abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood iyo iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda, Aniga oo tixraacaya waajibka dastuuriga ee Aqalka Sare sida ku cad Qod. 71 ee Dastuurka Federaalka iyo waajibkeyga xilgudasho sida waafaqsan Qod. 61aad Faqradiisa 1,3 waxaan cadeynayaa in farriinta halkan ku lifaaqan ee wasiir Cabdulahi Godax ay ka soo horjeedo Dastuurkeena Qod. 54″

Senator Abshir Bukhaari ayaa sidoo kale yiri “Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda iyo xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrinta Tacliinta ay ka mid tahay arrimaha si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada ama wada xaajoodka uu ka furan yahay sida ku cad qodobka 52aad ee Dastuurka, isla markaana Wasiirka Waxbarashada aanu go’aan u laheyn maareynta waxbarashada.

Puntlandes.com

About The Author