Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo mar kale u baaqday..

19 April 2019 (Puntlandes) Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta oo 19 April ka furmo magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib u dhac ku yimid.

Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada ayaan soo xaadirin magaalada muqdisho oo uu shirku maanta ka furmi lahaa, kaas oo uu ku martiqaadka Madaxweyne Farmaajo inuu qabsoomo 19-23ka april 2019.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa safaro ku marayo dibadda dalka isagoo Puntland ka dhoofay 8dii april ilaa iminkana ku sugan dalka Imaaraadka, kuna sii jeedo magaalada Nairobi dalka Kenya.

Madaxwenayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa iminka ku sugan Nairobi, waxaa la filayaa inuu ku soo biiro Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan Imaaraadka Carabta, waxaana wararku sheegayaan inay shir kula yeelanayaan magaalada Nairobi Madaxda Beesha Caalamka oo bedeshay siyaasadii ay kula mucaamulaysay Soomaaliya iyo deeqihii ay u marn jirtay dawladda Federaalka iyadoo toos u siin doonta

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa sanadkii hore labo jeer u baaqday khilaaf ka dhex jira dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalak, iyadoo dawlad goboleedyadu ay diideen martiqaad uu Madaxweynuhu u fidiyay inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Puntlandews.com

About The Author