Muuqaalo-Sawirro: Sanatarro deegaan doorashadoodu tahay Puntland & Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Somaliya

21 April 2019 (Puntlandes) Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay shalay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya  ayaa waxay ka wada hadleen khilaafka soo kala dhexgalay wasaaradada waxbarashada ee Puntland iyo tan Federaalka.

Sanatarro deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay u baxayaan Puntland si khilaafka loo xaliyo, laakiin wasiirka ayaa ku adkaysaystay go’aankii uu horay u gaaray ee hanjabaada ku salaysnaa.

Wasiir Goodax Barre oo wali ku adkaysanaya hanjabaadii dawladda, waalidiinta & ardayda Puntland

Senator Mashruuc oo sheegay inay Wasiir Goodax kawada hadleen in Puntland & isagu isfahmaan

Senator Jurille oo sheegay inay Wasiir Goodax kala hadleen khilaaf Puntland

Senator Samsam Daahi oo ka hadashay kullankii wasiir Goodax ee Aqalka Sare


Puntlandes.com

About The Author