Madaxweynaha Galmudug Nairobi kula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya

21 April 2019 (Puntlandes) Maxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta la kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz (Pencho).

Labadda dhinac kulankooda waxay ku qaadaa-dhigeen Arimo badan oo aad u xasaasiya oo la xariira Soomaaliya iyo Gulmudug, si fiicanna isaga af garteen.

Madaxweyne xaaf oo todobaadkan safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi, ayaa ku howllan kulamo kala duwan oo uu la leeyahay wakiilada beesha Caalamka.

Xaaf ayaa u sharaxaya Bersha Caalamka in Dowlada Federaalku ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug uu caalamka ugu talagalay ee loo soo mariyey dawladda Federaalka Soomaaliya.

Shalay galinkii danbe ayay markii kulan guul ku soo idlaaday uu la yeeshay safiirka dowlad Uk u qaalbilsan Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author