Sawirro: Shariif Sheikh oo soo gaaray Muqdisho

25 April 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore Shariif ayaa loo galbiyay guriga uu ka degan yahay Muqdisho oo ku dhow agagaarka Garoonka Diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta Sabtida uu ka qeyb geli doono Munaasabad uu Xisbiga Himilo Qaran ku yeelanayo Muqdisho.

Dhanka kale Sheekh Shariif ayaa ku soo hakaday Garoonka Caalamiga ah ee xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

 

Puntlandes.com

About The Author