Daawo Video: Faroole oo weerar xoogan ku qaaday dowlada Farmaajo

25 April 2019 (Puntlandes) Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland isla markaasna ah Senator ka tirsan Aqalka Sare oo maanta Garowe kusoo dhaweeyey Senatoro ka Aqalka Sare ayaa dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Faroole ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya inay u hartay wax ka yar laba sano, sidaasi ay tahayna Dastuurkii dalka uu wali qabyo yahay, wado qaldana lagu wado.

“Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah madxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole .

Faroole ayaa sidoo kale Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan.

Wuxuu kaloo Faroole ku eedeeyey dawladda Federaalka inay faragelin xoogan ku samaysay doorashadii Puntland balse sida uu sheegay ay Villa Somalia ku fashilantay faragelintaas, isagoo sheegay inay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay waa sida uu sheegaye.

Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo faragelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u farageliso.

 

Puntlandes.com

About The Author