Daawo Video: Senator Jurile oo si xoogan u dhaliilay madaxda Soomaaliya

25 April 2019 (Puntlandes) Senator Cabdirasaaq Cismaan Xassan (Jurile) oo maanta gaaray isaga oo ay weheliayaan Senatoro kale magaalada Garowe ayaa si xoogan u dhaliilay madaxda Somalia ku eedeeyey inaysan hayn qorshe cad oo ay dalka ku hogaamiyaan.

Senator Jurile oo ka hadlaya inay dawladda Federaalku meel isaga tuurtay qorshihii doorashada 2020/2021ka ayaa yiri ”Majirto ilaa hadda qorshe cad oo xukuumaddu ay ku qabanayso doorashada”

Jurile oo sheegay inay dalka Soomaaliya Federaalka qaatay ayaa yiri “dalkani wuxuu ku dhisan yahay Federaal, Federaalka macnihiisuna waxaa weeye labo heer oo awoodeed baa jira, dawladdo xubno ka ah oo wax isku darsaday waxay isku darsadeena ay yihiinxukuumaadaa Federaalka ah iyo Baarlamaankaa labada Aqal ah oo heer qaran ah, waxay gooni u leeyihiina dee waa la yaqaan oo waa Baarlamaankiisii buu leeyahay, madaxweynihiisii iyo xukuumadiisii buu leeyahaygolayaashiisii garsoonka ayuu leeyahay oo qolo walba goonideeda u maamulayso….marka sidee buu ku taagnaanayaa qaranku haddii ay meesha ka baxdo oo kala go’o xiriirkii dawladda xubnaha ka ah iyo tan federaaalka”


Puntlandes.com

About The Author