Shir degdeg ah oo maanta ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada oo la baajiyay

28 April 2019 (Puntlandes) Shir degdeg ahaa oo ay maanta yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la baajiyay, sababo aan la shaacin, iyadoo shirkan farriimo qoraaleed loogu sheegay Wasiirada inay isugu yimaadeen shir aan caadi aheyn oo maanta oo Axad dhici lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka dib loo dhigay saacadihii u dambeeyay, waxaa la sheegayaa in sababta dib loogu dhigay ay ka dambeysay markii Madaxweynaha uu soo farageliyay, isla markaana dalbaday in dib loo dhigo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirka looga doodi lahaa sharciga doorashooyinka, isla markaana Golaha Wasiirada ku ansixin lahaayeen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan isku fahamsaneyn qorshaha doorashada 2020, iyadoo dhowr jeer oo laga hadli lahaa dib loo dhigay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in qorshaha loo qabanayay shirkan uu ujeedkiisa ahaa ka hor shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Garowe 2-da bisha May.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa inay cadeyso hannaanka doorashada 2020 oo aan weli la meel marin sharcigii lagu shaqeyn lahaa, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan in aan la isku waafaqsaneyn hanaanka la rabo in la qaato ama ay u dhaceyso doorashada.

Puntlandes.com

About The Author