Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Daah-Furay Shirka Kalluumaysatada Soomaaliyeed (Muuqaal)

Garoowe, April, 29, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb-galeen Wasiirada Wasaaraddaha Kaluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.

Shirkan oo ay maal galiyeen Ganacsato reer Puntland ah ayaa waxaa lagu dhiiri kalinayey ganacsiga kalluumaysiga iyo kalluumaysatada Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Africa loona baahan yahay in laga faa’iideysto khayraadka ku jira.

Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda khudbad muhiim ah ka jeediyey ayaa ganacsatada Puntland ku dhiiri galiyey horumarkan ay ka sameeyeen Kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

“Runtii sharaf wayn bay Puntland u tahay, shirkaan noocaan oo kale ah inuu qabsoomo, maxaa yeelay waa iftiin horleh oo dadka Soomaaliyeed uga gudbayaan marxaladdii ku dul noolaanshaha dadka kale oo ay u gudbayaan inay iyagu la soo baxaan noloshooda, horumarkooda ganacsi ka shaqeeyaan, mustaqbalkooda ay iftiimiyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Deni.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayay ganacsatada oo shirkaan door muhiim ah ku lahaa qabsoomiddiisa ayaa ku ammaanay habkay isu taageerayaan, waxaa uu sheegay in horumarkoodu uu ku jiro hadba siday isu gacan-qabtaan, taas oo guud ahaan ganacsigoodu ku xiran yahay, isagoona Madaxweynuhu caddeeyay in dawladdu ay doorkeeda qaadaynayso, isla markaana ay diyaarinayso shuruucda iyo waxkasta oo lagu horumarin karo noocyada kala duwan ee ganacsiga.

 


Puntlandes.com

About The Author