Imisa Agaasime ayaa soo martay Madaxtooyada Villa Somalia 2-dii sano ee uu Farmaajo xilka hayey?

15 May 2019 (Puntlandes) Madaxtooyada Somalia ayaa labadii sano ee la soo dhaafay aheyd meel aan lagu negaan oo marba Agaasime la bedelayay inta uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada la wareegay 16 bishii February, waxaa uu Madaxtooyada u magacaabay 5 Agaasime guud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee Somalia oo 5 Agaasime magacaabay ku dhawaad kala bar mudo xileedkiisii.

Hoos ka akhriso Agaasimayaashii uu Farmaajo u magacaabay Madaxtooyada.

1- Dr Cali Saciid Fiqi ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay markii uu Madaxweyne Farmaajo la wareegay Villa Somalia.

2- Abuukar Cabdi Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 22- March 2017.

3- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 31 May 2017.

4- Drs Aamina Saciid Cali oo Agaasime Kuxigeen aheyd ayaa u dalacday xilka Agaadimaha Guud ee Madaxtooyada 22 August 2018, 9 bil kaliya ayay heysay xilka.

5- Dr Nuur Diiriye Fursade oo Madaxweynaha saaxib dhow yihiin, xidid hoosena ka yihiin dhanka Xaasaska ayaa loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 15 May 2019.

 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu madaxweyne yahay 27 bilood iyo bar, wuxuuna Madaxtooyadiisa u magacaabay magacaabay 5 Agaasime taas oo u dhiganta in midkiiba xilka hayey 5 bilood iyo bar.

Maxaa laga fili karaa Madaxtooyo 5tii biloodba mas’uul cusub la wareegayo maamulkeeda?

Puntlandes.com

About The Author