Daawo sawirrada Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa ubax dhigay Taallada SYL

Filed under: Wararka maanta |

15 May 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYL.

15kii May 1943 ayaa 13 dhalinyaro soomaaliyeed ah waxay aasaaseen ururkii SYL oo xornimada gaarsiiyey Soomaaliya.


Puntlandes.com