Sawirro: Saraakiil & ciidamo ka tirsanaa Somailand oo si rasmi ah ugu birray Ciidan Puntland

30 May 2019 (Puntlandes) Saddex Sarkaal iyo ciidamadooda ayaa waxay isagaa baxeen Ciidanka maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag , iyagoo si rasmiya ugu biiray ciidamada Puntland ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaasha ayaa diiday amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani oo ku amray inay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag si ay halkaasi uga saaraan wefdi ka socda Puntland.

Taliyaasha oo hoggaaminaya ciidamo wadar ahaan gaaraya ilaa 1000 askari balse degaanno kala duwan jooga ayaa ugu dambeytii  si rasmiya ugu biiray ciidamada difaaca Puntland ee gobolka Sanaag sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Musaanabad ballaaran oo lagu soo dhawaynayo Taliyayaashaas iyo Ciidamadooda ayaa dhacday Deegaanka balibusle ee gobolka Sanaag, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolku ay si diiran u soo dhaweeyeen kuna dhiir i geliyeen talaabadan ay qaadeen.


Puntlandes.com

About The Author