Gudoomiyihii Soomaaliland ugu magacawnaa gobolka Badhan oo is casilay

30 May 2019 (Puntlandes) Gudoomiyihii Soomaaliland ugu magacawnaa gobolka Badhan Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casilay xilkii uu maamulka Muuse Biixi u hayey.

Cali ayaa wuxuu sheegay inuu ku biiray Dowladda Puntland iyo shacabka gobolka Sanaag, isagoo kala qayb qaadanaya difaaca Dalka.

Wuxu sidoo kale sheegay in isaga iyo ciidamadii ku biiray Puntland ay isku talo yihiin ayna ka wada go’antahay in aysan dhibaato u horkicin bulshada gobolka Sanaag ee nabadda iyo horurinta u baahan.

Iscasilaadda guddoomiyaha ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor saddex taliye oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ay xilka iska casileen kadibna iyaga iyo ciidamadii ay wateen ku biireen dhanka  Puntland.

Puntlandes.com

About The Author