Akhriso Galmudug oo xiriirkii u jartay dawladda Federaalka

30 May 2019 (Puntlandes) War saxaafadeed kasoo baxday dawlad goboleedka Galmudugayaa waxaa lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xalinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1-Dhameystirka Dastuurka

2- Doorshooyinka

3-Federaaleynta

4- Amniga guud ee dalka

Tallaabadan ay qaadatay Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan Puntland ay qaadatay tallaabo ay xiriirka wada-shaqeyneed ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug:


Puntlandes.com

About The Author