Axmed Karaash oo Booqasho aan la shaacin ugu ambabaxay Gobolka Bari wadahadalana kula jira….

09 June 2019 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka dawlaadda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo waftii uu hoggaaminayo ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegay gobolka Bari ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waqti kooban ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay masuuliyiinta degmada iyo odoyaasha.Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu la kulmo Saraakiisha iyo ciidamada kal duwan ee Puntland ee ku sugan gobolka Bari.

Karaash ayaa iminka ku sugan deegaanka Klabayr, halkaas oo uu wada hadalo kula leeyahay saraakiisha Ciidankii daraawiishta ee ka soo baxay Af-urur oo fariisin ka dhigtay deegaanka Kalabayr oo 60km u jirta magaalada Bosaso.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta ay soo faarujiyeen degaanka Af-urur, halkaasi oo la wareegeen ururka Alshabaab.

Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland C/samad Galan iyo taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana ku soo batay dilalka qorshaysan ee ay Alshabaab ka gaysanayso.

Puntlandes.com

About The Author