Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyey in Deegaanka Soomaalida 50% ka helo khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka

09 June 2019 (Puntlandes) Baarlamanka federaalka Itoobiya ayaa ansixiyey xeer qabyo ahaa oo hor yaallay gohala, kaas oo ahaa khayraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya.

Xeerka goluhu ansixiyey wuxu dhigayaa in dawlad deegaankii laga helo khayraad dabiici ahi ku leedahay 50 %, Dawladda Federaalkuna ay leedahay 25% iyada oo weliba deegaankaasi boqolkiiba shan iyo labaatankaa ay Dawladda Federaalku heshay wax ku leeyahay. Inta soo hadhay oo ah 25% si gaarna loogu qoondeeyey dawlad deegaannada dalka Itoobiya oo dhan.

Xeerkani wuxuu caddaynayaa dawlad deegaanka Soomaalidu ka helayaa shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaankooda in ka badan kala bar dakhliga ka soo xaroon doona shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helo deegaankooda.

Puntlandes.com

About The Author