Kheyre oo magacaabay guddiga qaban-qaabada Xuska Maalinta Xorriyadda

09 June 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

Xubnaha Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood oo isugu jira Wasiiro iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay kala yihiin sidan:

1- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye   Guddoomiye

2- C/Raxmaan Ducaale Bayle

3- Xasan Cali Maxamed

4- Maxamed Abuukar Islaaw

5- Khadiija Maxamed Diiriye

6- Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

7- Sadiiq Xirsi Warfaa

8- Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

9- Bashiir Axmed Cusmaan   Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka

Puntlandes.com

About The Author