AMISOM oo qalab ugu deeqday Ciidamada dawladda Soomaaliya

13 June 2019 (Puntlandes) Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidamada ammaanka Dalkeenna ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, si kor loogu qaado awoodda Ciidamada.

Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay AMISOM taageerada joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author