Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilkii ka dhacay Gaalkacyo

15 June 2019 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay ciddii ka dambeysay Shacabkii Soomaaliyeed ee Xalay lagu laayay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee ay Galmudug ka taliso oo xalay lagu dilay dad gaaraya 13 qof.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan si weyn ugu xun yihiin Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay koonfurta magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo aan waxba galabsan iyo dilkii ka horreeyay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in ay ka Dowlad ahaan aad iyo aad u dhaleeceynayaan ciddii ka dambeysay ficilladaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwa kala geynaya Shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan dhibaataysnaa.

“Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wuxuu sheegay in aysan wanaagsanayn in Qof Soomaali ah oo Dalkiisa ku nool, isla markaana aan waxba galabsan baarisna marin in Dhiiggiisa la daadiyo laguna dilo.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa, maamul Goboleedka Galmudug, Oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo wax garadka Soomaaliyeed in ficilkaasi lagu sameeynayo baaris Lixaad leh, oo Dadkii ka dambeeyayna tallaabbo sharciga waafaqsan laga qaado, caddaaladdana la hor geyn doono.

Maareeye, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen Dadkii lagu laayay Gaalkacyo, iyagana uu Alle u naxariisto.

Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed faray in ay is dejiyaan, loona daayo Dowladda dhexe in ay caddaalada hor keento Dadkii ficilladan gurracan ka dambeeyay.

Puntlandes.com

About The Author