Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Garoowe, Juun,14, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guulo waaweyn kasoo gaaray safarkiisa muddadii uu ku maqnaa wuxuuna heshiisyo kala duwan la soo galay dalal iyo shirkado caalami ah oo u diyaarsan maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Madaxweynaha iyo weftigiisa soodhoweeyey ayaa tilmaamay in dalku nabad yahay, xasiloonyahay, barwaaqo ka jirto, shacabka iyo Madaxda Puntland-na ku faraxsanyihiin in Madaxweynaha iyo weftigiisu dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo nabad ah.

“Madaxweyne waan ku faraxsannahay adiga oo ku maqnaa safar shaqo in Alle kugu soo celiyey nabadgelyo, waxaan kuugu bishaaraynayaa in dalkii aad shaqada ugu maqnayd aad timid isagoo raxmaddii Eebbe ay ka da’day, inkastoo waxyeelo ay jirtay haddana dadkii waa qaboobeen”.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa shacabka reer Puntland, shirkadaha gaarka loo leeyahay, Goleyaasha dowladda, gaar ahaan gudigii loo xilsaaray wax ka qabashada fatahaadaha sida ay shaqada wanaagsan u qabteen una fuliyeen balan qaadkeenii ahaa 24 saacadood in aan ku dhisno wado dadku maraan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey safarkiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Dalkii oo nabad ah, barwaaqo ah, kala dambayn iyo xasilooni ka jirto inuu kusoo laabto.

“Waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinayaa soodhawayntii diiranayd ee aad igu soodhawayseen, waxaan sidoo kale Alle uga mahadcelinayaa raxmaddiisa iyo nabadgelyada uu nagu manaystay, safar dheer oo China, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaan isku soo maray, waxyaabo badan oo aan filayo in ay horumarka dalka ka qeyb-qaadan doonto ayaan kasoo wada hadalnay Warbixin balaaran ayaan la wadaagi doonaa dowladda iyo shacabkaba”.

“Waxaan filayaa in Ethopian Airlines Puntland ka bilaabi doonto duulimaadyo joogto ah, meelaha ciladuhu ka haysteen dalka waxaa ka mid ahaa isu socodka cirka, badda iyo dhulkaba, waad aragtan oo 40 sano ka dib wuu sii burburayaa laamigii, waxyaabaha aan xoogga saarayno ka xukuumad ahaan waxaa ka mid ah in adduunku noo furnaado, anaguna aan u furnaano” Ayuu yir Madaxweynaha Puntland.

Soodhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.



Puntlandes.com

About The Author