Dowladda Somalia oo shaacisay waqtiga la qabanayo Doorashada Galmudug

19 June 2019 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay xilliga ya dhacayso doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxda maamulka Galmudug, taasoo muran badan uu ka taagan yahay xilligan.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa xustay inay muhiim tahay in la tix-geliyo xilli waqtiyeedka madaxda Galmudug oo ku eg – 04 bisha July ee 2019-ka, loona diyaar-garoobo doorashada cusub oo la doonayo inay noqoto mid xalaal ah.

Qodobbada lagu xusay qoraalka ayaa waxaa ka mid ah; in Glamudug ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay muddadii loo qabtay, iyadoo doorashadan lagu soo dooran doono xildhibaannada baarlamaanka Galmudug iyo sidoo kale madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa sheegtay in iyadoo garoowsan muhimadda uu leeyahay wada-tashiga iyo midnimada bulshada deegaannada Galmudug, ay shir dib u heshiisiineed ku baaqayoso, kaasoo ay isugu imaanayaan wax-garadka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha maamulaas ka dhex-aloosan laguna magacaabo guddi farsamo oo daadihiya qaban qaabada shirkaas.

Akhriso qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia

Puntlandes.com

About The Author