Sawirro: Abwaan Singub oo lagu aasayo Jigjiga & DFS oo wafdi u dirtay

??

21 June 2019 (Puntlandes) Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaaniin, Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba.

Maanta ayaa lagu wadaa Abwaan Sangub in lagu aaso Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isagoo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka.

Alla ha u naxriistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahu  Ciise(Singub) oo Itoobiyaan ahaan loogu aasayo Jigjiga ayaa taariikh facweyn ku leh Soomaaliya, gaar ahaan wacyigelinta bulshada, iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka.

??
??
??
??

Puntlandes.com

About The Author