Kenya oo loo doortay hoggaanka kooxda Burcad Badeedda Soomaaliya

21 June 2019 (Puntlandes) Dowladda Kenya ayaa loo doortey in ay hoggaamiso Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya (CGPCS) muddo Labo Sano ah oo ka billaabanaysa Jannaayo 2020-ka.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulankii 22-aad,  Kalfadhigiisa 22-aad ee ay kooxdu ku yeelatay Shalay oo ay Bishan June ahayd 20, Magaalada Balaclava ee Jasiiradaha Mauritius.

Xoghayaha Wasaaradda difaaca Kenya, Raychelle Omamo, oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Dowladdeedu ay la shaqeyn doonto dhammaan Dalalka xubnaha ka ah kooxdan iyo daneeyayaasha Soomaaliya, si loo hubiyo dedaalka Beesha caalamka ee ku aaddan ka hortagga iyo la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada Burcad Badeedda.

Mss; Omamo, ayaa sheegtay in ammaanka Badda uu fure u yahay nabadgelyada Dalka Kenya iyo qorshahaheeda kobcinta dhaqaalaha.

Hoggaaminta Kooxdan ayaa Kenya u fududeynaysa , in ay fursad u hesho mideynta Dalladaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga, si ay u hesho ka tala bixinta caqabaha, la tacaalidda Budhcad-Badeedda iyo yaraynta halista ay ku hayaan Badda, in kastoo ay waayadii dambe yaraadeen dhibaatooyinkii Burcad Badeedda.

Dowladda Kenya ayaa hoggaanka Kooxdan kala wareegaysa Mauritius oo xilliyadii ugu dambeeyay soo haysay xilkan.

Qabadasha hoggaanka Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya (CGPCS), ayaa ku soo beegmaya xilli ay taagan tahay xurguf ka dhalay muran Badeedka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Puntlandes.com

About The Author