Xaaf oo safar dhulka ah ugaga baxay Dhuusamareeb

23 June 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safardhanka dhulka ah ugaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu aaday koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug isagoo ay hore u sii galbiyeen ciidamo ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ku sugnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka soo tegey magaalada Gaalkacyo iyagoo doonayay in soo galbiyeen Madaxweyne Xaaf balse loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Dadaalo lagu doonayay in ay wadahadal toos ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxweyne Xaaf ayaa guuldareystey hase yeeshee waxaa wadahadal uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Madaxa Maamul Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Ka tegitaanka magaalada Dhuusamareeb ee Madaxweyne Xaaf ayaa imanaysa kadib markii magaaladaas ay ka tageen wasiirka arrimaha gudaha Galmudug iyo madaxa Maamulka Galmudug kuwaasoo howlo nabadeyn ah ugu ambabaxay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Puntlandes.com

About The Author