Akhriso Xisbiga Himilo Qaran oo ugu baaqay Dowlada Federalka inay farogelinta ka deyso Galmudug

23 June 2019 (Puntlandes) Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Dowlad Goboleedka Galmudug.

War Saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa uga digey Dowlada Federalka farogelinta ay ku hayso guud ahaan maamul goboleedyada dalka waxayna ugu baaqday dowlada federalka inay ka waantowdo farogelintaas.

Ugu dambeyntii Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug inay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walba oo dhalin kara inuu daato dhiig-sokeeye.

Akhriso war-saxaafaeedka Xisbiga Himilo Qaran uu ka soo saaaray farogelinta ay ku hayso Dowlada Federalka maamulka Galmudug

Puntlandes.com

About The Author