Akhriso qodobada Baarlamanku uu wax ka badalka kaga sameyay xeerka saxafadda Puntland

0

184

Pes Gaalkacyo: Barlamaanka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inay ansixiyeen Xeer ay jarjareen oo Caburinaya Xoriyadda hadalka isla markana awood dheerad ah siinaya Wasaradda Warfaafinta Puntland.

Xeerkan waxaa ka hor yimid Suxufiyiinta Puntland oo ku tilmaamay talaabo cusub oo mugdi gelinaysa Xoriyadda Saxafadda iyo Xuquuqda hadalka.

Guddiga Shuruucda ayaa ilaa 17 Qodob wax ka bedelay qaarkoodna kala jaray kuwaaso qaybaha Warbaahintana ku tilmaameen mid aan la qaadan karin isla markana gacmaha ka xiraya Cabirka Fikirka iyo Madaxbananida Saxafadda Punland.

Hoos ka Daalaco wixii la bedelay

Qodobadda Wax laga badelay Xeerka Warbaahinta Puntland.

Guud ahaan waxaan la xusin oo la tiray

Gogol-dhiga Xeerka
Muuqaalka Guud ee Xeerka
Cutubka 1aad  A. Arrimo Horaadka Muhiimka u ah Xeerkan
Cutubk 2aad    B. Madaa,diida Hagaysa Xeerka
Cutubka 3aad   C. Macnaha Sharciga Warbaahinta & Anshaxa
Cutubka 4aad   D. Xeerka Warbaahinta

Ujeedooyinka Guud

Xeerka Warbaahinta

QODOBKA 1AAD

Nidaamka Guud

Faqradda 1aad waxaa gadaal laga badalay “ Golaha Warbahinta” Waxaa laga Dhigay Gudiga Sare ee Warbahinta.

Farqadda 3aad Waxaa laga Badelay Horey Kalmadda “Sharcigan”Waxaa laga dhigay  Xeerkan

QODOBKA 3AAD

Xuquuqda & Waajibaadka Warbahinta

Faqradda 3aad Waxaa lagu sameyey Editint,Waxay u qornayd “ Wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb (Censorship)  waa reeban yahay” waxaa laga dhigay Faaf-reer hordhac ahi waa reeban yahay,waana qodob Dastuuri ah oo markii horeba Dastuurka Puntland ayaa laga qoray.

Faqradda 4aad Waxaa laga tiray Gadaal oo ahayd “ Xukun Maxkamadeed iyo Golaha Warbahinta oo kaliya ayaa ogolaan kara Talaabo Cayn kaas oo kale ah” Fadlan ka eega page 13 faqradda 4aad gadaal.

QODOBKA 4AAD

Cinwaan hosaadkiisu wuxuu ahaa Macnaha Suxufi waxaa laga dhigay Shuruudaha Suxufiga

QODOBKA 5AAD

Aqoonsiga Suxufiga

Waa hal faqro oo oranaysa “ Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa suxufiga buuxiya shuruudaha ku xusan qodobka 4aad waxaa aqoonsiga uu ku hawgalaya siinaya Ururka MAP wasaaradana la socodsiinaysa”

Waxaa lagu badelay qofka suxufiga ah ee shuruudaha buuxiya aqoonsiga uu ku hawlgalayo waxaa siinaya wasaarada, Mapna suxufi ahaan bay u diiwaan galinaysaa

QODOBKA 6AAD

Waxaa la badalay cinwaan hoosaadka dhamaan siiqaada ayaa laga badelay

Faqrada 2aad Xuquuqda daabacashada

T) waxay u qornayd sirta dawlada Puntland waa in dawladu si cad u shaaciso arrimaha ah in loo tixgalinayo sir dawladeed oo aan la faafin Karin

Waxaa lagu soo koobay kaliya “Sirta dawlada lama baahin karo”

QODOBKA 7AAD

Qaybtii gadaale ayaa laga tiray farqadiisa 1aad

Farqada 5aad iyana wax ka badel baaxad leh ayaa lagu sameeyay

QODOBKA 10AAD

Farqada 1aad waxaa laga tiray qaybta gadaale oo u qornayd sidan:

“Laguna Ilaaliyo danaha lama huraanka ah ee warbaahinta iyo hawlgalada warnbahinta shacabka”

Farqada Sadexaad guud ahaan waa la tiray waxay u qornayd sidan:

“Cadadka khidmaduhu waa in aanu ka badan qiime u dhigma kharashaadka maamul ee la xiriira diiwan galinta”

QODOBKA 13AAD

Farqada 3aad waxaa laga tiray qaybta gadaale oo ahayd “sida ay qabaan shuruucda warbaahinta ee puntland”

QODOBKA 15AAD

Farqada 5aad gadaal ayaa laga tiray oo ahayd “Suxufiga shisheeyana waa la masaafurinayaa”

QODOBKA 16AAD

Farqada 8aad Wax ka badel ayaa lagu sameeyay waxayna u qoreen sidaan

“Dambiyada ka dhaca warbaahinta ee ay ka dhalan karaan xad gudubyo keeni kara ciqaab, waxaa hay’adaha sharci ahaan qusayso ku oogi karaan dacwad ciqaabeed”

QODOBKA 17AAD

Xeer hoosaadka

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *