Madaxwayne Gaas oo la kulmay Agaasimayaasha guud, kuwa Hay’addaha Madaxa banaan iyo Agaasimewaaxeedyada Maamulka Wasaaradaha Puntland.

0

186

 

Garowe(pes) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kulan kula qaatay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Puntland,Agaasimewaaxyeedyada Maamulka ee Wasaaradaha,Agaasimayaasha Guud ee hay’addaha Madaxa banana iyo Gudoonka Hanti dhowrka Qaranka Puntland oo tiro ahaan Gaarayay 67,agaasime.

67,agaasime ayaa kala ahaa 31,Agaasime Guud,11,Agaasimayaal Hay’addaha Madaxa banaan ah 23,Agaasimewaaxeed Maamulka Wasaaradaha Puntland.

Wuxuu Dr Gaas kala halay:

1:Habsami Usocodka Shaqada Dowladda

2:Dhowrida Hantida Dowladda Puntland

3:Soo Xareynta Dakhliga iyo Canshuuraha Dowladda.

Dr Gaas ayaa Tilmaamay inay tahay qodob Tastuuri ah in Cashuurta la bixiyo,islamarkaana Canshuur kor uqaadis lagu sameeyo Canshuuraha laga qaado Hay’addaha Madaxa banaan ee ka howlgala Puntland.

185

Madaxwayne Gaas ayaa tilmaamay in dakhliga dowlada oo kobcaa ay ku xiran tahay ururinta canshuurta sidaa daraadeed waxa waajib ah inaad ururisaan canshuurta kadibna aad xaraysaan.

Dr Gaas ayaa faray masuuliyiintaas in ay si hagarla,aan ah oo cadaalad ah ay  ururiyaan canshuurta iyagoona si siman uga qaadaya qofkasta oo bixinaya,waxana muhim ah sida madaxwaynuhu sheegay in qof walibana qofka uu ka dhaqaale badan yahay uu ka canshuur bixin badan yahay. Wuxuu ku adkeeyey Dr Gaas in wax soo saarka (canshuurta) la badiyo si ay dowladu u hesho lacag badan.

Dr Gaas wuxuu u muddeeyay Wasaaradaha Amniga iyo Qorshaynta inay muddo 48-saacadood ah ku soo gudbiyaan dhamaan Hay’addaha Dalka Jooga Caalami iyo waliba kuwa maxaliga ah

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *