Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo shaacisay xilliga la dhagaysanayo dacwada Badda Somalia & Kenya

25 June 2019 (Puntlandes) Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada Adduunka ee ICJ ayaa ku dhowaaqday xilliga la dhagaysanayo dacwada Badda ee u dhexeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in ay bilaaban doonto dhagaysiga dacwadu 9da bisha September 2019 oo ku beegan maalin Isniin ah iyadoo dhamaan doonto 13ka September 2019 oo ah maalin Jimce ah.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Maxkamada ICJ.

Puntlandes.com

About The Author