Sawirro: Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur

26 June 2019 (Puntlandes) Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha.

Munaasabadda ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Taliyaha Ciidanka Booliska Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac Kaynaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


Puntlandes.com

About The Author