XOG: Cisbitaalka Gaalkacyo oo qarka u saaran inuu xirmo

28 June 2019 (Puntlandes) Cisbitaalka Gaalkacyo oo qarka u saaran inuu u xirmo koox isku xiran, iyadoo ay dhamaanba ka carareen dhaqaataatiirtii waaweyneyd ee khibrada u lahayd qaybaha kala duwan ee caafimaadka.

Dhaqaataatiirtaas ayaa ahaa kuwii qaliinka ka samayn jirey CIsbitaalka Gaalkacyo, kuwaas oo kala ahaa Dr. Jeesaro, Dr Ibrahim Salad iyo Dr Timir waxaana qaliimada ay ka sameeyaan Cisbitaalka bixin jirtey kharashka ku baxa hay’ada MSF oo qaybo kamid ah Cisbitaalka caawisa.

MSF ayaa caawisa qaybaha caruurta emergency ga iyo qaybta dhalmada waxaa maamulka uu gacanta u galay rag uu sameyey Cali Cabdullahi Warsame oo ay isku jifo hoose yihiin Agaasimaha CIsbitaalka Dr Maxamed Xuseen, halka uu ka dhigay Saadiq Maxamuud Aaden oo uu abti u yahay medical supervisor.

Waxa uu ka dhigay Cabdinuur Garanwaa Xasan financial and HR, maamulka iyo qaaraamaadka waxa uu u dhiibay walaalkii Bood boode iyagoo isku xirmay kana ilaashey dhaqatiirtii wax u qaban lahayd isbitaalo gaar ahna wax ku leh mushahaarna ka qaata hay’adaha caawiya Cisbitaalka Gaalkacyo .

Waxay hay’ada MSF ka qaataan lacag dhan $2000, iyadoo oo uu khilaaf adagi ka dhex jiro kooxdaa isku xiran iyo shaqaalihii iyo dhaqaatiirtii Cisbitaalka Gaalkacyo.

Cisbitaalka Gaalkacyo ayaa waxa uu iminka qarka u saaran yahay burbur, iyadoo la bilaabay in bukaanada la geeyo CIsbitaalo gaar loo leeyahay.

Waxgarad Gaalkacyo ku sugan oo diiday in aan magacyadooda xusno ayaa waxay wasiirka iyo agaasimaha guud ka codsadeen inay wax ka qabtaan arintan soona fara geliyaan arinta si uusan u xirmin Cisbitaalka Gaalkacyo.

Puntlandes.com

About The Author