DFS oo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland ku abaal marisay Safiirka Somalia ee Addis Ababa

29 June 2019 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa dawladda Federaalku u magacawday Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Camey ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda uu Madaxda dalka Itoobiya ku wareejiyo waraaqihiisa aqoonsiga.

Magacaabida ayaa aheyd mid uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la xusuusto Camey taageeradii uu dowladda Federaalka hayey iyo sida uu uga soo horjeeday tallaabooyinkii Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in tani ay tahay mid dowladda Federaalka ay ku abaal marisay Camey sidii uu taageerada ugu muujiyay xilliyadii uu ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland, isagoo baalmaray dastuurka dawladda Pun tland ee xilka ka hayey.

Magacaabistaan oo tii ugu horaysay ee qof xilkaas kasoo qabta Puntland ay dawladda Federaalku u magacawdo ayaa waxa uu dhabaha u xaarayaa in mas’uuliyiinta ay DFS heshiis hoosaadka la gasho sida Camey ay abaal marin doonto.

Safiirkii horay u joogay Addis Ababa Cali Shariif oo muddo 7 bilood hayay xilkaas ayaa loo magaacabay Safaaradda Washington ee dalka Mareykanka.

Puntlandes.com

 

 

About The Author