Sawirro: Ciidanka PSF oo Burburiyey Saldhigyo ay Lahaayeen Alshabaab

29 June 2019 (Puntlandes) Ciidamada amniga Puntland ee PSF ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda facebooga waxay ku sheegeen inay burburiyeen godad ay Alshabaab ku kaydsan jireen rasaasta iyo raashinka ee buurlayda Calmadow ee Puntland.

Qoraalka waxay ku sheegeen in ciidamadu ay 27ka bishan June howlgalo ka sameeyene degaanada Dhagaxdhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow.

“Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Alshabaab” ayaa lagu yiri qoraalka

“Sidoo kale, ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Alshabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Alshabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow”

Ciidamada PSF oo soo bandhigay sawiro muujinaya howlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay sii wadaan hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Qoraalka PSF laguma sheegin in dagaal uu dhexmaray iyaga iyo Alshabaab intii uu socday howlgalku, sidoo kale ma sheegein inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay howlgalkaasi ay sameeyeen


Puntlandes.com

About The Author