Akhriso Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland sidii ay faafisay Puntlandes.com

Warbaahinta Puntlandes ayaa akhristayaasheeda la wadaagtay, (halkan ka akhriso), in madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni saxiixay magacaabista Yaasiin Cumar Dheere oo uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, haddaba maanta ayey madaxtooyada Puntland shaacisay ee hoos ka akhriso digreetada:

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

 

About The Author