Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddooomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddooomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 30 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Guddooomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladada Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Siciid Maxamed Faahiye loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.

2. Waxaa Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

About The Author