Akhriso Wasiirka Maaliyadda Puntland oo canshuur laban-laab ah saaray badeecadaha ka yimaada maamulka Somaliland.

30 June 2019 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi ayaa canshuur laban-laab ah saaray badeecadaha Puntland ka soo gala dhanka Somaliland.

Dikreeto Sabtidii shalay ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta Dakhliga gobollada Sool, Sanaag iyo Karkaar ee Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland, agaasimaha wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha, ayaa lagu amray in beecadaha daruuriga ah ee ka imaanaya Somaliland laga qaado canshuur dhammaystiran 100%.

Beedacadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland ayaa sidoo kale wasiirku amray in laga qaado-canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%, taas oo ah mid wax u dhimaysa ganacsiga xorta ah.

Akhriso Dikreeto wasiirka Maaliyadda Puntland

Puntlandes.com

About The Author