Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka u soo gud biyay Xisaab Xirka 2018 kana hadlay hoos u dhac dakhli (muuqaal)

30 June 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa Golaha Wakiilada Puntland u soo gud biyay Xisaab Xirka 2018 sida uu qabo Dastuurka qodobkiisa 137 oo ka hadlaaya Xisaab xirka.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobodaarood ayaa kolaha ka hor sheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyaddu wado Xisaab xirka 2018

Golaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku sug naa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ay ka mid ahaa yeen Wasiirku Xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda,.iyo Agsaaimayaasha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa caddeeyey inay jirto hoos u dhac dhaqaale oo la soo darsay Puntland, iyadoo uu hoos u dhac wayni ku yimid dakhligii dawladda u soo xaroon jiray.

Soo jeedinta Wasiirka ee Xisaab xirka 2018 kadib Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa in ay wax badan ka soo ogaan doonaan hadii ay xog dheeraad ahna rabaan u yeeri doona madaxda Wasaaradda Maaliyadda si ay su aalo uga waydiiyaan.

 


About The Author