Madax iyo Aqoonyahano Dhaliilay xuska Yoga ee lagu qabtay Garowe

30 June 2019 (Puntlandes) Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa lagu qabtay xuska Yoga, waxaana ka qaybgalay madaxweynaha dawladda Puntland, safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya iyo boqolaal haween Soomaaliyeed

Yogada oo caan ka ah wadanka Hindiya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dawladda Puntland oo gacan ka helaysa safaarada Hindiya ee Soomaaliya.

Madax xilala ka haya Puntland iyo siyaasiyiin ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xuska Yoga ee Garowe lagu qabtay. madaxdaasi waxaa ka mid ah Gudoomiyaha golaha Wakiilada dawladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-daareed) iyo Duqa caasimadda Garowe Axmed barre iyagoo si adag uga horyimid ciyaarta Yoga.

Gudoomiye Dhoobo ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ga soo dhigay waxa uu nasiib darro ku tilmaamay xuska Yoga ee Garowe ay keentay xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni.

Gudoomiye Dhoobo ayaa qoraalkiisa ku yiri:

Waxan aad iyo aad uga xumahay arintii shalay ka dhacday magaalada Garoowe arintaas oo salka ku haysey dhaqamo iyo Diimo kale oo aynaa lahayn, taas oo meel ka dhac ku ahayd Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed, waxay kaloo meel ka dhac ku ahayd Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 9-aad kaasoo qeexaya Diinta iyo dhaqanka puntland laga oggolyahay una dhignaa sidan….
1- Diinta islaamku waa tan keliya ee Dawladda puntland ee soomaaliya.
2- Diin aan tan islaamka ahayn laguma faafin karo dalka Puntland.
3- Qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada waxa saldhig u ah Diinta islaamka.
4- Waxaa reeban Xeer iyo Dhaqan kasta oo ka hor imaanaya Diinta islaamka.

Dhanka kale Duqa Garowe Axmed Siciid  Muuse ayaa qoraal uu isna soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ku yiri:

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan, ciyaaro iyo caadooyin suuban oo ciyaalka iyo cirooluhuba ku madadaalan karaan. Balse dhaqamadan cibaadooyinka duqoobey ee soogalootiga ah salka ku haya ma aha wax ku haboon in lasoo minguuriyo. Sidaa awgeed, shacab iyo dawladba waxaan ugu baaqayaa inaan diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan ilaashanno

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahan reer Puntland ayaa qoraalo ay ku baahiyeen baraha bulshada ee facebooga waxay ku sheegeen in ciyaarta YOGA ay tahay dhaqan diimeed ama cibaado muddo 5000 sanno laga isticmaali jiray dalalka Aasiyada Koonfurteed, gaar ahaan Hindiya.

Shacabka reer Puntland ayaa si xoogan uga hor yimid dhaqanka diiniga ah ee Hidiya la doonayo in la inooga soo dhoofiyo, waxayna ku si adag ugu baaqeen in la difaaco dhaqankeena iyo diinteena.

Madaxweyanha dawladda Puntland oo ka qayb galay xuska Yoga ayaa amaanay, halkan ka doo muuqaal iyo sawirro

Puntlandes.com

 

About The Author