Golaha Wakiillada Puntland oo diiday ansixinta miisaaniyadda 2018 soona saaray go’aano

07 July 2019 (Puntlandes) Golaha Wakiillada dawladda Puntland oo maal-mahan ka doodayey xisaab xirka miisaaniyadda 2018 oo golaha la hor keenay 30-Jun-2019, ayaa waxaa maanta golaha hor yimi Guddoomiyaha hanti-dhawrka guud oo Goluhu ugu yeereen si uu faah-faahin uga bixiyo warbixintii ku saabsanayd xisaab xirka miisaaniyadda 2018.

Xafiiska hanti-dhawrka guud ayaa sheegay inaan haba yaraatee lagu dhaqmin miisaaniyadda 2018ka ayna jiraan khaladaad badan oo ka muuqda sida loo kharash gareeyey dakhligii soo xerooday.

Guddoomiyaha hanti-dhawrka oo faah-faahin ka siiyey warbixintaas waxay goluhu dood iyo falanqeyn dheer ka dib isku raaceen;-

1- Inaan goluhu meel marin xisaab xirka miisaaniyadda 2018, madaama aanay waafaqsanayn Dastuurka dawladda Puntland.

2- In golaha wakiilladu soo saaro xeer xisaabiyaha guud lagaga madax bannaaynayo wasaaradda Maaliyadda.

3- In dib-u-habayn lagu sameeyo xafiiska hanti-dhawrka guud iyo Bangiga dhexe ee dawladda, dib u eegisna lagu sameeyo xeerarka ay ku shaqeeyaan.

Maadaama Golaha Wakiilladu diiday xisaab xirka miisaaniyadda 2018, waxa loo gudbin doonaa xafiiska xeer-ilaaliyaha guud, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka dawladda Puntland.

Puntlandes.com

About The Author