DAAWO GOORTA AY BILAABANAYSO DIIWAANGELINTA XUBNAHA CUSUB EE KU SOO BIIRAYA XISBIGA HIMILO QARAN OO LA SHAACIYEY

07 July 2019 (Puntlandes) Shirkii Khamiislaha ahaa ee uu gudoominayey gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa lagu go’aamiyey in 10ka bishan Luulyo la bilaabo diiwaangelinta xubnaha cusub ee kusoo biiraya Xisbiga.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ah Xisbi taageero badan ka haysta shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dhamaan dawlad goboleedyada dalka iyo Caasimada ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Sidoo kale waxa Xisbigu uu taageero xoogan ku haystaa shacabka Soomaaliyeed ee nool dalka dibadiisa.

Waxaa si rasmi ah u bilaabanaysa 10ka Luulyo diiwaangelinta waxaana lagu wargellinayaa taageerayaasha Xisbiga inay isdiiwaangeliyaan.

Puntlandes.com

About The Author