Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay la kulmay Bulshada Xudur

08 July 2019 (Puntlandes) Madaxhaweynaha maamulka Koonfur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ay wehiyaan qaar kamid ah xubnaha maamulkiisa iyo taliyaal ciidan ayaa xalay ku lugeeyey qaar kamid ah wadooyinka magaalada Xudur ee xaruunta Gobolka Bopkool,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee magaaladaasi.

Madaxaweynaha oo u kuurgalaayey xaalada amni iyo adeegyada bulshada ee degmada Xudur ayaa ka soo tukaameystay qaar kamid ah goobaha ganacasi oo xiligaasi shaqeynaayey,wuxuuna kulamo xogwareysi ah uu la yeelanayay qeybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Xudur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnihii la socday ayaa waxaa ay mid mid ula sheekaysanaayeen ganacasatada iyo dadka kale ee xiligaasi ku caweynaayey maqaayadaha lagu caweeyo iyo goobaga kale ee dadka ay iskugu imaadaan .

Madaxaweyne C/ casiis Xasan Maxamed ayaa goob fagaaro ah kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana uga mahad naqay dadka reer Xudur sida wanaagsan oo ay isaga kaashadaan sugida amnigood.

Sidoo kale waxaa uu dadka reer Bakool ubalanqaadey in maamulkiisu uu xooga saari doono sidii loo heli lahaa adeegayadii bulshada ee muhiimka ahaa,sida caafimaadka,waxbarashada iyo kuwo kale.


Puntlandes.com

About The Author