Madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u bedelay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 40, ee 8da Luulyo, 2019, ku bedelay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee 10ka February 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu

-DHAMMAAD-

About The Author